Iran oo lagu eedeeyay in ay soo riday diyaaraddii rakaabka ee Ukraine

Image

WASHINGTON, US - Warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama' ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine, taasoo Arbacadii ku dhacday meel u dhow magaalada Tehran, islamarkaasna ay ku dhinteen dhammaan 176-dii qof ee la socotay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS.

Dowladda Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda, iyo in uu soo riday gantaal.

Hase ahaatee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas.

Burburka diyaaradda rakaabka ah ayaa yimid saacado yar ka dib markii ay Iiraan fulisay weerar gantaallo loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Ciraaq.

Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay.

Dhinaca kale, barnaamijka Newsweek oo ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan gaashaandhigga iyo sirdoonka Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Ciraaq oo sheegaya in diyaaradda Ukraine uu haleelay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay "inuu shaki ka qabay" sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: "Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay".

Xilli ay sii xoogeysteen xiisadaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka, oo ka dhashay dilkii janaraal Qasem Soleimani loogu geystay dalka Ciraaq 3-dii bishan January, Iiraan waxay sheegtay inaysan Mareykanka ku wareejin doonin sanduuqa madow ee duuba xogta diyaaradda.

Mas'uuliyiinta xukuumadda Tehraah ayaa sheegay in xitaa shirkadda Boeing ee diyaaraddaas farsameysay aysan sanduuqa ku wareejin doonin.

Maxay tabisay warbaahinta Mareykanku?
Warar kala duwan ayey telefishinka CBS News iyo warbaahinta Newsweek ku sheegeen in saraakiisha sirdoonka ee Mareykanka iyo Ciraaq hayaan caddeymo muujinaya in diyaaradda Ukraine lagu soo riday gantaal ay leedahay Iiraan.

CBS ayaa warbixin kooban ku daabacday bogga ay ku leeyahay Twitter-ka, iyadoo sheegeysa in saraakiishu ay hubaan in diyaaraddaas lagu dhuftay gantaal, isla saacadihii la weerarayay saldhigyada ku yaalla Ciraaq.

Waxay intaas ku dartay in xogtan ay kasoo xigteen sirdoonka Mareykanka.

Dhanka kale, Newsweek oo soo xiganeysa saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq sheegtay in lagu kalsoonyahay xogta ku saabsan in diyaaraddaas uu ku dhacay gantaal lagu magacaabo Tor M-1, oo lagu farsameeyay Ruushka.

BBC + GO

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM