​Iran oo tijaabisay Gantaal cusub

Image

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay si guul ah u tijaabisay gantaal cusub oo riddadiisu ay meel dhexaad tahay, arrintaas oo ay ku muujinayso sida ay u diiddan tahay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tijaabada gantaalka Khoramshahr, oo dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 2,000 km, ayaa waxaa lagu baahiyay TV-ga qaranka. Ma ay cadda marka tijaabada la sameeyay.

Madaxweyne Trump ayaa Salaadadii waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.

Hasayeeshee Jimcihii Madaxweynaha Iiiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaarin doonto awooddeeda milateri.

Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.

Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeeray taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.

BBC

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM