Is-afgarad muhiim ah oo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Balal Maxamed Cusmaan iyo Makhdoom Shah Mehmood Qureshi, ayaa ku kulmay magaalada Niamey ee Niger.

Sidda uu daabacay bogga The Nation, mas'uuliyiinta oo wadahadalo yeeshay ayaa isku arkay meertada 47aad ee Shirka Wasiir Arrima Dibadeedyadda.

Wada-xaajoodyadooda ayay diiradda ku saareen qodobo kala duwan oo khuseeya xiriirka Soomaaliya-Pakistan iyo taageero dano wadaag ah.

Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan oo bayaan soo saarey ayaa Makhdoom uu adkeeyay in ay ka go'an tahay in dowladiisa ay xoojiso cilaaqaadka kala dhaxeeya Muqdisho si gaar ah dhinacyda ganacsiga iyo maalgashiga.

"Iyaddoo la deegsanaya hindisaha 'dhexgalka Afrika' wasiirka wuxuu sheegay in Pakistan ay ahmiyad gaar ah siineyso xiriirka Soomaaliya iyo Afrika," ayaa la raaciyey bayaanka oo lagu soo xigtay hadaladii wasiirku ka sheegay shirka.

Dhankiisa, wasiirka Soomaaliya oo ku nuux-nuuxsaday in ay sii dayaan cilaaqaad dhow ee ay la leeyihiin Pakistan ayaa ku booriyey Islamabad in ay ka faa'iideysato fursadaha ka banaan waddanka si gaar ah maalgashiga iyo ganacsiga.

Taageero dhanka la dagaalanka argagixisadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta kheyraadka ayuu waydiistay Pakistan.

"Labada daraf ayaa isku raacay in ay sii wadaan xiriirada dhow ee ay leeyihiin isla markaana isla war-hayo danaha ay wadaagaan," ayaa lagu soo xiray bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, sidda uu wariyey The Nation.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM