​IS oo soo bandhigtay 4-sano jir qarxiyay gaari

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muuqaal uu baahiyay ururka isku magacaabay dowladda Islamiga ah ee IS, ayaa muujinaya wiil yar oo 4-sano jir ah kaasoo qarxinaya gaari ay saaranyihiin afar maxbuus lagu eedeeyay basaasnimo. 

Wiilkan oo kasoo jeeda dalka Britain, waxaa dhashay hooyo dhawaan qaatay diinta Islaamka taasoo horay u ahayd masiixiyad, iyadoo xilligaas kadib ku biirtay ururka ka dagaallama qaybo kamid ah Bariga dhexe. 

Muuqaalka, ayaa laga dhex arkayay cunuga yar oo gacanta ku haya rumuudka qaraxa lagu xiray gaariga maxaabiista islamarkaana sare u taagaya gacantiisa kuna dhawaaqayay "ALLAHU AKBAR’. 

Maxaabiista lagu dilay falkaas, ayaa qiranaya inay ahaayeen basaasiin u khidmeeya waddamada reer Galbeed, lacagna ku siinayay inay sawirro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS. 

Mid kamid ah ururrada kasoo horjeeda Daacish ee xaruntoodu tahay Raqqa ayaa beeniyay eedaynta lagu dilay raggaasi, waxuuna tilmaamay inay ahaayeen ganacsato caan ka ah magaalada. 

Ruux u duubnaa afka loona malaynayo inuu ka dambeeyo falka lagu tacdiibay islamarkaana lagu dilay maxaabiistaasi, ayaa Ra'isal wasaaraha Britian David Cameron ku eedeeyay  inuu soo hubeeyo ururrada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Suuriya.

Dowladda Britain, ayaa ka hadashay eedaynta loo soo jeediyay waxaana Afhayeenka Ra'isal  wasaaraha Ingiriiska uu sheegay in cajaladaasi cadaynayso jaahilnimada IS iyo inay abuurayaan dacaayado. 

Muuqaalka cunuga qarxiyay gaariga ayaa ururka IS markii labaad soo bandhigtay, waxaana hadda kahor shaashadda kasoo muuqday isagoo gowracaya maxbuus gacanta ugu jiray Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM