Isra'il oo booliis dheeri ah gaysay Qudus

Image

19 September, 2015(GO)-Xiisad ka dhalatay masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ayaa sababtay in Israa'iil booliis dheeri ah gayso Qudus.

Arrintan ayaa timi ka dib isku dhacyo maalmo socday oo u dhaxeeya Falastiiniyiin mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka dalkaasi.

Xiisadda ayaa inteeda badan ku wajahan masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, kaasoo muhiim u ah Islaamka iyo Yuhuuda.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ku dhawaaqay maalin caro oo xaaladda Al-Aqsa ku aadan.

Waxaa ka caraysiisay qorshayaasha Israa'iil ee ku aaddan in booliiskooda u ogolaadaan inay rasaas ku furaan dhalinyaro dhagaxaan tuuraysay.

Qof Israa'iili ah oo mooto waday ayaa bilawgii todobaadka u geeriyooday shil uu sababay dhaqaxaan la soo tuurayay.

Xaalado ammaan daro ayaa laga soo sheegay magalada Qudus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM