Israel oo xasuuq hor leh ka geysatay Gaza

Image

QASA (GO) - Israel ayaa Xasuuq ka geysatay deegaanka Jabalia ee bariga Gaza.

Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay ka badan tahay 400 oo qof iyada oo dhaawucuna intaasi ka badan yahay.

Isbitaal ay maalgeliso dowlada Indonesia oo halkaasi u dhaw ayay ku dhaceen culeysyada ugu badan.

Duqeymahan ayaa imaanaya iyada oo horey ay sidoo kale Israel u duqeysay isbitaalki Mucamadaani kaasi oo dad kun qof ku dhaw ku le'deen.

Dowladaha galbeedka ayaa culeysyo kala kulmaya muwaadiniintooda iyaga oo ku dhaliilaya mawqifka ay Gaza iska taageen.

Dowlada Columbia ayaa iyadu u yeeratay safiirkeeda iyada oo sheegtay in aanay si eegan karin waxa lagu samaynayo rayidka Gaza ku go'doonsan.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM