Israel: Shimon Peres oo geeriyooday

Image

Waxaa xalay waddanka Israel Ku geeriyooday rug cadaa Siyaasadeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Shimon Peres ayaa da'diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga ama stroke-ga.

Peres ayaa ugu dambeeyay siyaasiyiin goob joog u ahaa marxaladihii dalkaasi soo maray, isagoo xilal kasoo qabtay xukuumado kala gedisan oo dalkaasi soo maray.

Wuxuu soo taagnaa doorna kulahaa aas-aaskii Israel sanadkii 1948-kii. 

Labo jeer waxa uu noqday Ra'iisal wasaare, xilligii ugu dambeeyayna waxa uu ahaa madaxweynaha dalkaas.

Sanadihii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa'iil ay la gashay Falastiyiniinta.

Wuxuu helay Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano Nobel-ka.

Xukumadda Netenyahu, ayaa tacsi ka dirtay geerida Ku timid Peres, iyagoo sheegay inay tabi doonaan hogaamintii ninkan geeriyooday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Faransiiska iyo Talyaaniga oo wada-hadallo la furay Iran

Qorshaha ayaa la sheegay inuu ku jiro in maraakiib dagaal ay galbiyaan doonyaha shidaalka qaada ee mara Hormuz.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 04:55AM

Erdogan oo sheegay in dalkiisa ka ilaalinayo in lagu geliyo dagaalka Bariga Dhexe

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kowaad ee Turkiga xilligan ay tahay nabadgelyada gudaha iyo xasiloonida gobolka.

  • Caalamka

    13-03-2026

  • 07:51PM