Jaamacadda Carabta oo taageertay Sucuudiga

Image

11 January, 2016(GO)-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ururka Jaamacadda Carabta ayaa taageeray go'aanka Boqortooyada Sucuudigu xiriirka ugu jareen xukuumadda Iran.

Shirka wasiirradu ku yeesheen magalada Qaahira ee dalka Masar ayaa looga hadlay xaaladda murugsan iyo khilaafka baahay ee ka tagaan bariga dhexe, waxayna cambaareen falkii lagu gubay  safaaradda Boqortooyada Riyad ee dalka Iran.

Warsaxaafadeed lasoo saaray goor sii horaysay shalay 10 January ayaa lagu sheegay in la baarayo sababta keentay gubista xarunta Boqortooyada Sacuudigu ku leeyahay Tehran, waxayna sheegeen maxsuulka kasoo baxa in loo gudbin doono golaha ammaanka si uu go'aan uga gaaro.

Arrintan ayaa ka dhalatay toogashadii wadaad shiico ah sheekh Nimr Al-Nimir kaasoo dadka aaminsan madhabkaas aad u qadariyaan, waxaana Sacuudigu ku eedeeyeen inuu katirsanyahay argagixisada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM