Jair Bolsonaro: Madaxweynaha Brazil oo beeniyey in laga helay Coronavirus

Image

BRASILIA, Brazil – Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa beeniyey in laga helay Coronavirus markii wargeyska The Guardian uu daabacay in laga helay cudurkaas.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili xoghayaha warbaahinta ee Bolsonaro laga helay cudurkaas kadib socdaal uu ku tegay Mareykanka.

Bolsonaro oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa warar aan waxba jirin ku tilmaamay sheegashooyinka laga faafiyey.

Wiilkiisa Eduardo Bolsonaro oo ka tirsan Aqalka Sare kaasoo qeybka ahaa safarka, ayaa Twitter-ka kusoo qoray in aabihiisa "aysan kasoo ifbixin calaamad muujineysa in uu la nool yahay cudurkaas".

Fariin kale oo uu soo dhigay wuxuu muujiyey in uu sugayo natiijada hubinta labaad markii uu caddeeyay in baaritaanka ku socda aabihii uusan wali dhamaan.

Bolsonaro ayaa Sabtidii wuxuu la casheeyay Donald Trump. Iyaddoo uu wehliyo xoghayihiisa, Sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda waxay muujiyeen iyagoo ku dhow Trump.

"Ma qabo walaac," sidaas waxaa Khamiistii warbaahinta u sheegay Trump kadib markii su'aal la geliyey badqabkiisa ama caafimaadkiisa.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Aqalka Cad uu shir degdeg ah ka yeelan doono xaqiiqada laga soo wariyey Bolsonaro

Arbacadii ayay ahayd markii Bolsonaro uu hoos u dhigay sheegashooyinka ku saabsan in uu ku dhacay xanuunkaas dilaaga ah.

"Dad badan ayaa u dhintay [hadalheynta]. Walaaca ku saabsan Coronavirus waa mid laga badbadiyey," ayuu hadalkiisa kusoo koobay hogaamiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM