Kacdoon ka dhan ah Trump oo ka billowday Falastiin

Image

Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa isagu soo baxay wadooyinka magaalada Gaza, iyagoo ka jawaabaya go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsanayo caasimadda Israel.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ku qoran yihiin hal-kudhigyo ay ku cambaareynayaan qorshaha Trump ee uu Safaaradda Mareykanka ugu rarayo bariga magaalada Qudus iyo aqoonsiga magaalada caasimada Yuhuuda.

Hogaamiyaasha Falastiin ayaa ku baaqay in saddex maalmood oo dibadbaxyo ah la sameeyo, si ay u muujiyaan inay kasoo horjeedaan in Qudus noqoto Caasimada Israel.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo in Qudus ay tahay caaasimadda Israel, iyadoo hogaamiyaasha caalamka iyo madax kale ay kasoo horjeesteen, islamarkaana cambaareeyeen go'aankaasi.

Ururka Xamaas ee maamulka Gaza ayaa soo saaray fariin uu ku sheegay in Qudus ay tahay magaalo ay leeyihiin reer Falestiin, islamarkaana go'aanka Mareykanka uu noqonayo daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta.

Madaxda kasoo horjaysatay go'aanka Trump waxaa kamid ah Madaxweyne Erdogan oo sheegay inuu xiriirka u jari doono Israel hadii Mareykanka Safaaradiisa u wareejiyo bariga magaalada Qudus.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isagu imaanaya Kulanka deg deg ah magaalada Qaahira, kaasi oo looga arinsanayo mowqifkooda ku aadan go'aankaa Trump ee magaalada Qudus ugu aqoonsanayo Caasimadda Israel.

Israel ayaa ka qabsatay Falastiin dhul ballaaran, oo bariga Qudus kamid tahay waxaana ay dhulkaasi xoogga ku haysato ay dib u dejin ugu samaysay dadka Yuhuuda, si ay u noqdaan deegaano ay iyagu leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM