Kala dirista booliska magaaladda Minneapolis oo si weyn loo taageeray

Image

WASHINGTON, US - Golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo ah magaalo ay aad u deggan yihiin dadyowga jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu kala dirayo waaxda booliska magaaladasi, arrintaa oo noqoneysa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, xilli dalkaasi oo dhan ay ka socdaan dibadbaxyo ka dhashay dilkii bishii la soo dhaafay magaaladaasi loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah.

Sagaal ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in la dhisayo nidaam cusub oo ka shaqeeya badqabka shacabka.

Booliska magaaladaasi ayaa in badan lagu eedeeyay cunsuriyad iyo midab-takoor.

Duqa magaaladaasi, Jacob Frey, ayaa mar sii horreysay ku gacan seyray in la kala diro waaxda booliska ee magaaladaasi, hadalkaa oo sababay in dadka dibadbaxyada dhigayay ay ku oriyaan.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo cunsuriyadda ayaa lagu qabtay qeybo badan oo Mareykanka ah ka dib geeridii George Floyd ee ku dhintay gacanta booliska.

Haseyeeshee waxaa la debciyay tallaabooyinka amniga lagu sugayay ee guud ahaan waddankaasi muddadii ay socdeen dibadbaxyadani, maadama aysan jirin rabshadihii dhacayay maalmo dhaweyd.

Aaska Floyd ayaa la qorsheeyay Talaadada berry ah in lagu qabto Houston, oo ah magaaladii uu ku soo koray ka hor inta uusan u guurin dhanka magaalada Minneapolis.

Mudaaharaadyadan ayaa billowday ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalka qaabka uu u dhintay ninkan Ameerikaanka madowga ahi, iyadoo la arkayay askari boolis caddaan ah oo jilibka qoorta kaga haya ilaa uu ka naf-baxay.

Askarigaasi oo lagu magacaabo, Derek Chauvin, ayaa shaqada laga eryay, waxaana lagu soo oogay dacwad dil ah. Seddex askari oo kale oo goobta joogay ayaa sidoo kale iyagana shaqada laga eryay, waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen dilkiisa.

Minneapolis waxaa deggan Soomaali aad u badan, waxaana booliska magaaladaasi in badan lagu eedeeyay faquuq iyo mibad-takoor lagu beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee sida jaaliyadda Mareykanka madowga ahi.

BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM