Kenya oo diiday dacwadda Badda ee Somalia

Image

08 Octobar, 2015(GO)-War ka soo baxay dalka Kenya ayaa lagu sheegay inaysan jirin sabab Somalia dacwada uga gudbiso Baddeeda, maadama horay loo kala saxiixday hishiis 2009-kii.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwadan in ay tahay mid aan sharci aheyn.

Muigai, waxa kale oo uu tilmaamay in tallaabada ay qaadday Somalia muujineyso sida ay ugu abaal dhaceyso Kenya, oo uu sheegay in muddo 25 sano ah ay dalkeeda kusoo dhoweeneysay qaxootiga, hadana u soo dirtay ciidamo ka qayb qaata sugidda amniga.

Xeer illaaliyaha Kenya wuxuu sheegay inuu jiray heshiis labada dal horey u dhexmaray kaas oo dhigayey in arrinta khilaafka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn.

Wuxuu xusay in haddii murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Somalia si cad u jabisay heshiiskii ka dhaxeeyey labada dhinac.

Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay khilaafkan inay dhexdooda xal ka gaari waayeen sidaa darteed ay doonayaan inay kala saarto maxkamadda ICJ.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM