​Kenya oo ka hadashay weerarkii Kulbiyow

Image

NAIROBI, Kenya- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya, ayaa looga hadlay dagaal shalay ka dhacay degmada Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose halkaasoo ay ku dagaallameen ururka Al Shabaab iyo ciidamo katirsan Kenya oo weheliyaan kuwa Somalia.

Khasaaraha dagaalkaas ayaa waxaa kasoo baxay warar is-khilaafsan, waxaana ururka Al Shabaab goor hore maalintii Jimcaha shaacisay inay dileen 67 katirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya.

Balse, waxaa warkaas lagu beeniyay qoraalka wasaaradda Gaashaandhiga, waxayna qireen in ciidamadooda laga dilay 9 askari oo kaliya, halka dhaawaca ay ku sheegeen 15 askari.

Waxay sidoo kale beeniyeen in dagaalkaas lagu qabsaday saldhiga ciidankoodu ku lahaayeen Kulbiyow.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in kooxda Al Shabaab weerarkaas looga dilay 70 mintid.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiisay weerarkaas, balse xiriiro aan la samaynay dadka deegaanka ayaa sheegaya in mallayshiyada Al Shabaab gacanta muddoo kooban ku hayeen saldhigga iska hor imaadkuna socday in kabadan 90 daqiiqo.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland.

Dadka magaalada waxay kaloo sheegeen in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro Guddoomiyihii degaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuuh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM