Kenya oo shaacisay shakhsiyaad weeraro damacsan

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Laamaha amniga Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan qof ay ku tuhmayaan inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

5-ta qof ayaa la tuhunsanyahay inay ku suganyihiin saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin dalka Somalia, waxayna qorsheynayaa weeraro ka dhacay dalkaasi sida ay sheegeen laamaha ammaanka Kenya.

Dadku la faafiyay, waxaa ku jiray haweenay,halka afarta kale yihiin Rag.

Ururka Al-Shabaab ayaa kenya horay uga gaystey weeraro iyo afduub, waxaana u dambeeyay macalimad laga kaxaystay xerada qaxootiga Xagardheer.

Dowladda Kenya ayaa ku jirta feejignaan xoogan oo ay kaga hortagayso weeraro ka dhaca dalkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM

Madaxii sirdoonka Israa’iil Aharon Haliva oo xilka iska casilay

Is-casilaadda sarkaalka sare ayaa timid ka dib guul-darradii 7-dii Oktoobar,

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 02:18PM