Kenya oo dishey madaxii sirdoonla Al-Shabaab

Image

NAIROBI- Qoraal kasoo baxey ciidamada dalka Kenya ayaa lagu sheegey in weerar diyaardeed ku dileen madaxii sirdoonka ururka Al Shabaab iyo toban kale oo ka tirsan madaxda ururkaas.

Korneyl David Obonyo, oo ah afhayeen u hadlay ciidmada difaaca Kenya (KDF) ayaa maanta warbaahinta u sheegay in Madaxii sirdoonka Al-Shabaab Mahad Maxamed Karatey lagu dilay duqeyn lala beegsaday xerada Nadaris oo ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow ee gobolka Jubbada dhexe. 

"Wasaarada difaaca Kenya, oo ku shaqeyneysa magaca AMISOM waxay cadeyneysaa Mahad Maxamad Karate iyo toban kale kuwasoo ah sarkiil dhexe lagu diley duqeyn diyaaradeed oo ka dhacdey koonfurta Somalia Feb 8,2016." sidaas waxaa yiri afhayeenka ciidamadaan David Obonyo.

Karatey, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar galaafatay nolosha dad badan oo Kenyan ah, waxaana ka mid ahaa weerarkii lagu qaadey Jaamacada Gaarisa kaasoo lagu diley 148 ardey.

Goobta lagu dilay Karatey, waxaa ku sugnaa sida laga soo xiganayo ciidamada difaaca Kenya, 80 katirsan ururka Shabaab kuwaasi oo loo xiray tababar. Obonyo ayaa sheegey in 42 kamid ah ciidamada halkaas tababarka loogu xirayey lagu diley weerarkaas.

Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaa beeniyey in Kenya ay dileen Mahad Karatey, kadib qoraal ay soo dhigeeen website taageera ururkaasi, waxaana lagu  muujiyay in Mahad Karatey uu bad qabo islamarkaana aysan jirin duqeyn ku dhacday goob Al-Shabaab joogaan. 

Al Shabaab ayaa sheegtey  sidoo kale in dowlada Kenya shacabkeeda u sheegeyso been madaama ay ku guuldareysteen dagaalada ay kula jiraan kooxdaan gaar ahaan weerarkii askarta badan looga diley ee degaanka Ceelcade.

Sheegashada dilka sarkaalkaasi ayaa timid xilli ururka ka dagaallama Somalia inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliyo dalka Kenya iyo qaybo kamid ah Somalia gaar ahaan meelaha ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM