​Kenya oo xabsi u samaynaysa argagixisada

Image

Madaxwyenaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa cadeeyay inay dhisayaan xabsi lagu xiro shakhsiyaadka lala xiriirinayo kooxaha argagixisada gaar ahaan kuwa ka barbar dagaallamaya kooxda Al-Shabaab ee Somalia. 

Kenyatta oo ka hadlay macnaha ka dambeeysa in xabsigan la dhiso ayaa sheegay in lagu yaraynayo afkaaraha xagjiriinta, si aysan ugu faafin maxaabiista kale ee ku xiran dalkaas. 

Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu sheegay in xabsigan uu yahay mid ku habboon dadka lala xiririnayo dambiyada culus, islamarkaana lagu dhaqan celin karo. 

Xabsigan ayaa lagu shabahay kuwa horay looga dhisay dalalka Sacuudiga, Maraykanka iyo Denmarka, waxuuna dhismihiisu kusoo beegmay xilli kooxda Al-shabaab weeraro ka gaysato gudaha dalka Kenya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM