Kenya: qarax ka dhacay baar iyo saldhigga booliska Wajeer oo la weeraray

Image

December 2, 2014 (GO)- Hal qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay baar lagu caweyo oo ku yaalla bartamaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed laga soo tuuray bannaanka hore ee baarka xilli ay tobanaan qof goobtaas ku caweynayeen.

Saraakiil ka tirsan Laan-qeyrta Cas ee Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha uu qaraxaasi geystey iyagoo intaas raaciyey in laga cabsi qabo tirada dhimashadu inay kororto maadaama dhaawacyada qaar xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale dabley hubeysan ayaa isla xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska ee degmada Wajeer.

Is rasaaseyn muddo kooban socotey ayaa dhex martay ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo weliba kooxdii weerarka soo qaadey.

Dableyda uma suuro gelin inay xaruntaas gudaha u galaan kadib iska caabin xooggan oo ay booliska kala kulmeen.

Mas'uuliyadda labadaas weerar weli cidi ma sheegan haseyeeshee waxaa loo badinayaa inay ka dambeyso kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Goor hore oo saaka ahayd weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee isla gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 36 qof oo ka shaqeynayey goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga jebiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM