Kenya: qaraxyo khasaare geystey oo xalay Mandhera ka dhacay

Image

July 7, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyoodey labo qarax oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxyada oo waxyar kala dambeeyey waxay ka dheceen xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana lala beegsaday qaar kamid ah shaqaalaha Kenyanka ee dhagaxa jebiya.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sida weerarkaasi u dhacay, ilaa iyo haddana dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin.

Sido kale ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, inkastoo horay kooxda Al-shabaab weerarro uga fulisey degmada Mandhera iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM