Kenya: Sababaha Raila uga haray Doorashada

Image

NAIROBI, Kenya - Is beheysiga mucaaradka Kenya ee loo yaqaano NASA ayaa sheegay in uu ka haray doorashada la filayo in la qabto 26-ka bishan. 

Hadaba kooxda Raila ayaa cuskatay qodobo badan, balse 10ka mid ah ayaan halkan ku soo koobeynaa:

"Dalabka xuriyad labaad"

Raila Odinga ayaa sheegay in ka dib halgankii 1992-dii, ay markale dalbanayeen madaxbannaani labaad oo ka dhacday Kenya. Horraantii sagaashamaadkii waa xilligii Kenya uu ka dhaqan galay sharciga axsaabta badan ee siyaasadeed.

Doorashadii lixaad ee la qabtay ka dib xilligaas ayey ku andacoonayaan in si qalad loo maareeyay, waana sida maxkamadda ugu sareysa Kenya ay sheegtay.

"Markii ay tirinta codadka billaabatay waxaa la qalday natiijada. Wax kastoo qalad ah, waa qalad," ayey ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Doorashadii 8-dii Augusta waxay ahayd tii ugu horeysay ee abid maxkamad ay laasho, qaaradda Afrika. Waxayna ahayd middi afaraad, caalamka oo dhan.

"Mabaadii'da dimuquraadiyadda"

Ku dhowaad bil ka dib markii natiijadii doorashadii hore la laalay "dalka wuxuu lugaha la galay dhoobo," ayuu yiri Rali Odinga oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu qiray in "arrintaas ay fileyeen".

"Waxa aynaan filaneyn waa in hoggaanka dalka uu ku kala qeybsano mabaadii'da aasaasiga ah ee dimuquraadiyadda oo ah doorasho xor iyo xalaal ah," ayuu yiri hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya.

Raila Odinga ayaa ku doodaya in asiga uu wado dimuquraadiyad halka xisbiga talada haya iyo IEBC uu ku eedeynayo in shuruucda dalka ay ku xad gudbayaan.

Dalabaad aan ka noqosho iyo gorgortan lahayn

"Anagoo ah NASA, waxaan go'aansanay in doorashada ku celiska ah loo qabto sida ay amartay maxkamadda ugu sareysa," ayuu yiri Raila Odinga.

Mucaaradka ayaa guddiga doorashada u gudbiyay dalabaad ay ka mid yihiin in xubno ka mid ah IEBC shaqada laga joojiyo.

Waxay ku eedeynayaan in ay sabab u ahaayeen qaladaadkii ka dhacay doorashadii August ee sababay in maxkamadda ay laasho natiijadii uu Uhuru Kenyatta ku guuleystay.

"Waxaa gudbinay diiwaan ay ku qoran yihiin dalabaad aan ka noqosho lahayn, lagana gorgortami karin, oo ah in la raaco isbedel lagu xaqiijinayo doorashada," ayuu yiri Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Aqbalaadda dalabaadkooda

Qoraal uu Raila u aqriyay warbaahinta wuxuu ku xusay in ansixinta dalabkooda ah in "doorasho xor iyo xalaal" ah la qabto, aysan ka hor imaanin IEBC, Jubilee iyo korjoogtada caalamiga ah.

Korjoogtada midowga Yurub waxay soo jeediyeen arrimo taageeraya "dalabkeena aanan ka noqoshada lahayn," ayay sheegeen NASA.

Mucaaradka ayaa dooneya in aysan dhicin mid la mid ah qaladkii maxkamadda ay cuskatay ee dhacay doorashadii horraantii August.

Qabashada doorashada 26-ka bishan

"Arrinta sii wadidda hannaanka qabashada doorashada ku celiska ah ee 26-ka Oktobar, ayadoo aan la fulin dalabkeena, waa caqabadda waqtigan," ayuu tilmaamay Mr Odinga.

Mucaaradka ayaa dhowaanahan ku celcelinayay in aysan ka qeybgali doonin doorasho, haddii aanan shaqada laga ceyrin afar xubnoo oo ka mid ah IEBC.

"Jubilee iyo dad kale ayaa taageersan in is bedel la'aan la qabto doorasho, waxay doonta ha ahaatee. Balse anaga waxaan dooneynaa in doorasho sax ah la qabto."

Aasaaska doorasho xor ah

Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in doodda aysan ahayn dimuquraadiyadda uu dastuurka ka hadlay, ama doorasho xor iyo xalaal ah.

"Dooda ma ahan u hogaansamidda amarka maxkamadda, ama ku xadgudbidda kalsoonida shacabka. Muhiimadda waa in aan ka wada shaqeyno sidii loo xoojin lahaa qiyamka qaranka iyo aasaaska hannaanka doorasho sax ah".

"Diidmada IEBC"

Raila Odinga ayaa sheegay in guddiga doorashada ee IEBC ay si ula kac ah u diideen fulinta isbedellada muhiimka u ah doorashada 26-ka bishan iyo in ay noqoto "mid xor iyo xalaal ah".

"Waqti muhiim ah ayay ku lumiyeen xayaysiimo ayagoo aan go'aansan qaadidda dhaqdhaqaaq muhiim ah," ayaa lagu qoray warka NASA ay soo saartay.

Ku shubashada doorashada

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa qabo walaac ah in doorashada soo socota lagu shuban doono, "kana xumaan doonto kuwii hore".

"Waxaan aragnay in guddiga IEBC ay ka go'an tahay in uusan isbedel ku sameyn xubnaha ka tirsan si looga fogaado qaladaadka iyo isdaba marinta sababay in doorashada lagu celiyo."

"Waa in aysan dhcin qaladaad la mid ah kuwii 2008-dii," ayuu xusay Raila.

Rabshado ka dhashay natiijiadii doorashadii 2008, waxaa ku dhintay dad aad u badan, kumannaan qofna guryahooda ayey ka barakeceen.

"Waxa muuqato in doorashada 26-ka bishan ay ka xumaan doonto middii hore," ayuu yiri hoggaamiyaha NASA.

Isbedelka sharciga doorashada

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa baarlamaanka hor geeyay sharci ay ku dalbanayaan in isbdedel lagu sameeyo hannaanka doorashada.

Mucaaradka ayaa cuskaday arrintaas oo ay ku tilmaameen in "jubilee aysan diyaar u ahayn tartan loo siman yahay."

"Doorashada keli ah ee Jubilee ay rabaan waa mid ay ayaga ku guuleysanayaan, xittaa haddii ay tahay sharcidaro," ayuu yiri Raila.

Dagaalka doorasho xor ah

Mucaaradka ayaa sheegay in aanan lagu niyad jebin karin waxkastoo la sameeyo.

"Waxaan ku guuleysanay dagaalka axsaabta badan iyo dimuquraadiyadda. Waana ku guuleysan doonnaa dagaalka aan ugu jirno doorasho xor iyo xalaal ah", ayuu sheegay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

ka haridda loolanka madaxtooyada

"Ka dib markii aan eegnay kaalinteeda doorashada soo socota iyo danaha shacabka Kenya, gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxaan go'aansanay in aan ka harno tartanka xilka madaxweynaha", ayaa lagu qoray warka uu Raila soo saaray.

Sidoo kale ku xigeenkiisa kalonzo Musyoka ayaa ka haray loollanka doorashada. Waxaana ku waafaqay dhammaan xubnaha saree e NASA.

Waxay sheegeen in go'aankooda ay ku saleeyeen dastuurka iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee sharciga Kenya.

"In aan ka harno tartanka doorashada wuxuu dan u yahay dalka. Qof kastana guul ayey u tahay," ayuu yiri Mr Odinga.

Source: BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM