Khatar kusoo wajahan Mareykanka kadib kulankii Putin iyo Kim

Image
Image

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulankoodii ugu horeeyay oo fool-ka-fool ah ku yeeshay Jaamacad ku taalla Jaziiradda Russky.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya, si ay uga hortagaan saameyn Mareykanka ee dalalka Asia, gaar ahaan kuwa dhaca badda Pacific.

Kulanka Putin iyo Kim ayaa kusoo beegmaya xilli is-mariwaa xooggan oo ku saabsan barnaamijka Niyukleerka Kuuriyadda Waqooyi uu u dhaxeeyo Washington iyo Pyongyang.

Putin ayaa la kulanka Kim waxay siinaysaa saameyn dheeraad ah, waxaana ay u tahay fursad muhiim ah oo ku kasbanayo Kuuriyadda Waqooyiga, si uu dhabar jebiyay Trump.

Russia iyo Kuuriytadda Waqooyiga ayaa raadinaya inay sare u qaadaan xiriirkooda taariikhiga ah, ee soo billowday xilligii Midowgii Suufiyeet [Soviet Union].

“Xilli Dunida diiradda saareyso gacanka Kuuriya, waxay ila tahay inaan yeelan doono wadaxaajood wax ku ool ah,” ayuu yiri Kim.

Dhankiisa, Putin ayaa sheegay in booqashada Kim ay xoojinayso xiriirka labada dal, sidoo kalena ay Moscow ka caawinayso inay fahanto waxaa Ruushka uu ka taageeri karo Kuuriyadda Waqooyi.

Waa kulankii ugu horeeyay oo Kim la yeesho hogaamiye tan iyo markii uu kasoo laabatey magaaladda Hanoi, ee dalka Vietnam halkaasi oo bishii February ee sanadkan kulan kula yeeshay Trump, kaasi oo fashil kusoo idlaaday.

Arrimaha ay kawada hadleen Putin iyo Kim waxaa kamid ah Shaqaalaha u dhashay Kuuriyadda Waqooyi ee ku sugan Russia, oo lagu qiyaasay 10,000 kuwaasoo la doonayo in dhamaadka sanadkan dib loogu celiyo dalkooda.

Shaqada ay dadka kasoo jeeda Kuuriyadda Waqooyi ka qabtaan dalalka dibadda ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn dalkooda, oo hadda saaran cunaqabateyn caalami ah.

Pyongyan ayaa waydiisatay Russia inay sii wado shaqaaleysiinta dadka Kuuriyadda Waqooyi uga yimaada, si dhaqaalaha ay haleen ugu caawiyaan qoysaskooda dhibaateysan.

Kim, ayaa u sheegay Qaramada Midoobey in dalkiisa ay soo foodsaartey cunto-yari sanadkan, waxaana uu ka dalbaday gargaar degdeg ah.

Russia ayaa siisay Kuuriyadda Waqooyi $25 million oo cunto gargaar ah loogu iibinayo shacabka dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay, sida uu sheegay aqalka Kremlin.

Putin ayaa doonaysa in isagoo kaashanaya Kim inuu kahor tago saameyn iyo awoodda sii baahaysa ee Mareykanka uu ku leeyahay Caalamka.

Tan iyo March 2018, Kin ayaa afar kulan la yeeshay Madaxweynaha China Xi Jinping, iyo saddex kulan Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed Moon Jae-in, iyo labo Kulan oo la qaatey Trump iyo mid uu Madaxweynaha Vietnam ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM