Koobka Aduunka 2018: Natiijooyinka kulamadii Isniinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MOSCOW - Tartanka Koobka Aduunka 2018 oo sanadkaan marti-gelinayo wadanka Ruushka ayaa waxaa Isniinta laga dheelay illaa iyo Saddex kulan oo ka kala tirsanaa Group-yadda "F iyo G".

- Kulanka koowaad -

Ciyaarta koowaad waxaa wada dheelay Sweden iyo Kuuriyadda Koonfureed, waxaana guusha ay ku raacday 1-0 qaranka Sweden kadib markii uu goolka guusha udhaliyay ciyaaryahan Andreas Granqvist.

Guushaan waxay ka dhigeysaa Sweden inay yihiin hogaamiyaasha Group-ka F, inkasta oo ay dhibcaha la wadaagaan Mexico.

- Kulanka labaad -

Belgium-ka ayaa waxay u awood sheegteen dhigooda Panama kadib markii ay kusoo xaaqeen goolal dhan 3-0. Lukaku oo labo gool dhaliyay, iyo waliba ciyaaryahan Dries Mertens ayay uga mahad-naqayaan.

Natiijadaan waxay siineysaa Belgium inay hogaanka u qabtaan Group-ka G, oo uu kulankaan ka tirsanaa.

- Kulanka saddexaad -

Xulka qaranka kubada cagta England ayaa guul soo daahday waxay ka heleen Tunisia, kadib markii Harry Kane uu dhaliyay gool xili dambe yimid, inkastoo goolka furitaanka uu isaga dhaliyay qudhiisa.

Tunisia waxay goolka qura oo ay dhaliyeen waxay ka heleen ciyaaryahan Ferjani Sassi, kaasoo ahaa Gool ku laad.

Maalinta Talaadda ah, waxaa dhici doona illaa iyo saddex kulan oo kuwa kale, kuwaasoo ka kala tirsan Group-yadda "H iyo A".

Hoos ka arag kulamada dhici doona Talaadada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM