Kooxda Taliban 141 qof oo arday u badnaa ku dishey dalka Pakistan

Image

December 16, 2014 (GO)- Taliban-ka  Pakistan ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar dad boqol ka badan lagu diley oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay gobolka Peshawar ee dalka Pakistan.

Weerarka oo lala beegsaday dugsi carruurta ciidamada qalabka sida ee dalkaasi wax ku bartaan waxaa fuliyey lix nin oo aad u hubeysnaa qaarkoodna bambooyin isku soo xireen.

Dableyda oo halkaas muddo saacado ah afduub ugu haystey boqolaal ardey ayaa markii dambe toogasho ku diley 131 ardey, waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey 10 qof oo kale oo kuwii weerarka soo qaaday ku jiraan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Pakistan ayaa saacado kadib la wareegey xarunta kadib markii la toogtey qaar kamid ah kuwii weerarka soo qaaday qaar kalena ay is qarxiyeen.

Mid kamid ah ardeyda weerarkaas ka badbaadey oo lagu magacaabo Shahrukh Khan da'diisuna 16jir tahay ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna sheegay in nimanku ardayda ku amreen inay dhulka seexdaan kadibna dhabarka ka toogeen.

Khan oo isaga labada lugood xabad looga dhuftay wuxuu sheegay inuu indhaha isku qabtay iskana dhigay qof meyd ah kadib markii uu arkay nin dul taagan oo hubinaya inuu meyd yahay iyo in kale.

" nin kabo buud ah oo waaweyn xiran ayaa fiir fiirinayey carruurta isagoo xabbad ku dhufanayey kii dhaq dhaqaaqa, indhaha ayaan isku qabtay anigoo sugaya inuu xabad igu dhufto" ayuu yiri.

Taliban ayaa sheegtay in weerarkani aargoosi u ahaa hawlgal dhowaan ciiamada Pakistan ka sameeyeen waqooyiga gobolka Waziristan, hawlgalkaasoo lagu diley xubno ka tirsanaa Taliban iyo qoysaskooda.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii nin asalkiisu Irani ahaa uu dad ku afduubtay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Sydney ee dalka Australia.

Weerarkaas oo gelinkii dambe ee shalay soo gaba gaboobay wuxuu sababay geerida saddex qof oo kii dadka afduubtey kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM