Korontada oo ka go’day dhamaan gobolada dalka Tunisia

Image

TUNIS, Tunisia - Agaasimaha iskaashiga iyo isgaarsiinta ee shirkadda korontada dalka Tunisia Mounir Al-Ghabiri ayaa xaqiijiyay in korontadu ay gabi ahaanba ka go’day dalka.

Al-Ghabri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku daray in ilaa hadda aan la garanayn sababaha.

Waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in qarax ka dhacay xarunta “Raadeska”, isagoo carabka ku dhuftay in kooxaha farsamada ay ku howlan yihiin soo celinta Korontada.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia ayaa lagu xaqiijiyay in xaaladda ammaanku ay tahay mid la isku halleyn karo, islamarkaana loogu baaqay laamaha ammaanku ay sii wadaan sugidda amniga guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM