Ku dhowaad 20-kun wadaado Tabliiq ah oo karantiil la geliyey

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Dowlada Pakistan ayaa maanta go'doomin maalmo ah waxay gelisay 20-kun oo wadaado Tabliiq ah, sidda ay ku warantay wakaalada wararka u faafisa dalka Faransiiska ee lagu magacaabo AFP.

Xukuumadda Islamabad ayaa sidoo kale ku raadjoogta kumanaan kale oo ka tirsan culimaddaas, sidda ku xusan warbixinta.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen munaasabad ka dhacday magaalada Lahore, bishii lasoo dhaafay ee Maaj.

Munaasabadaas socotay 10-kii ilaa iyo 12-kii bishaas ayaa qabsoontay iyaddoo ay jirto cabsida faafitaanka Coronavirus, oo dalkaas kiisas badan laga xaqiijiyey lana mamnuucay kulamada dadweynaha.

Mas'uuliyiinta ayaa go'aanka karan-tiilka ku qeexay mid lagu badbaadinayo nolosha kumanaan kale isla markaana ay soo qabanayaan cid kasta oo xaadirtay munaasabada ay agaasintay Tablighi Jamaat.

Inkastoo dowladda ay si furan u codsatay in la baajiyo, in ka badan 250-kun oo qof ayaa kasoo muuqdey munaasabaddaas.

Kiisaska Covid-19 ee Pakistan ayaa kor-u-dhaafaya laba kun, iyaddoo dhimashada ay tobanaan gaareyso. Ra'iisul Wasaare Imran Khan wuxuu ku adkeystay in ay ku dedaalayaan xakameynta xanuunkaas dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM