Laacib hore oo loo doortay Madaxweynaha dalka Liberia

Image

Gudiga doorashooyinka dalka Liberia ayaa ku dhawaaqay in George Weah uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka galbeedka qaaradda Africa ku yaalla ee Liberia.

George Weah oo loo doortay madaxweynihii 25-aad ee dalka Liberia ayaa hardan culus la soo galay musharaxa Joseph Boakai oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeen kasoo noqday dalkaasi.

Weah ayaa ku guuleystay codadka 12 gobol oo kamid ah 15-ka gobolka ee dalkaasi, iyadoo Joseph Boakai uu helay codadka labo gobol, sida Gudiga Doorashada uu shaaciyay.

Intii ay socotay ololaha doorashooyinka dalkaasi Weah ayaa soo bandhigay waxyaabo fara badan uu ka shaqeyn doono marka uu la wareego xafiiska ugu danbeyntiina galinkii hore ee Arbacada ayaa lagu dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha cusub ee Liberia.

Waxa uu xilka kala wareegayaa Ellen Johnson Sirleaf oo Liberia Madaxweyne kasoo ahayd tan iyo 2005-tii. Ellen Johnson Sirleaf oo haysata abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa lagu amaaney in wax ka qabatay nabadda iyo dhaqaalaha Liberia. 

Kadib ku dhawaaqista guusha Weah, kumanaan qof oo ku faraxsan madaxweynaha cusub ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Monrovia ee caasimada Liberia.

Weah ayaa dhanka weerarka uga soo ciyaaray AC Milan, Man City iyoo Chelsea.

Weah oo cod aqlabiyad ugu guuleystay doorashada madaxtinimo ee Liberia ayaa noqday sanadkii 1995 xidigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qaarada Africa oo ku guuleysta abaal marinta xidiga ugu wanaagsan aduunka ee Ballon Di’or.

Weah ayaa taariikh ku leh kubada cagta isagoo soo matalay kooxaha AC Milan, Paris Saint Germain iyo Monaco laakiin Weah ayaa hadaah madaxweynaha la doortay ee dalka Liberia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM