Lamaane 16-sano adoomeysanayay gabar yar oo la xukumay

Image

WASHINGTON, Mareykanka – Lamaane muddo 16-sano ah ku adoomeysanayay gabar yar dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay todoba sano oo xarig ah.

Maxamed Toure iyo xaaskiisa Denise Cros-Touré oo 58-sano jir ah labadooda ayaa lagu helay dambiga bishii Janaayo.

Qoyskaan ayaa sanadkii 2000 Inanta yar kasoo watay wadanka Guinea isla markaana keensaday gobolka Texas ee dal-waynaha Mareykanka.

Waaxda socdaalka ayaa shaaciyay in Toure iyo marwadiisa oo reer Guinea ah ay wayn karaa dhalashada Mareykanka.

Mr Toure waa diilka madaxwaynihii koowaad ee wadanka Guinea, ninka lagu magacaabo Ahmed Sékou Touré.

Lamaanaha ayaa sidoo kale garka loo geliyay aduun dhan 288-kun oo dollarka Mareykanka, taasi oo ah magdhow la siinayo dhibanaha loo cadaalad falay.

Gabadha oo sababo jira loo khariyay magaceeda ayaa timid Mareykanka iyadda oo Shan sano ah, taasi oo ka dhigan in ay haatan tahay 24-sano jir.

Sidda ay sheegeen dad ku dhow qoyskaan, Inanta yar ayaa ahayd Jaariyada hoyga. Cuno karinta, nadaafad iyo daryeelka caruurta ayay ku qorneed.

"Waa la garaaci jiray, waxayna ku jirtay adoomeysi, waxaana lagu qasbay in ay jiifato dibadda guriga," ayay tiri wasaarada cadaalada Mareykanka.

Bishii Agoosto 2016-kii ayay kasoo baxsatay reerkaan, iyada oo u timid dad kale oo ku dhow halkaasi, waxayna waydiisatay magan-galyo.

Eedaysanayaasha ayaa ku dhawaaqay in ay racfaan ka qaadan doonan xukunka lagu riday, inkasta oo aysan umuuqan rajo ay ku guuleysan karaan.

Adoonsiga oo dunida laga mamnuucay wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee caalamka ayaa la rumeysan in uu ka jiro wadamada reer Galbeed isaga oo daahsoon xili ay lagu baaqayo in xididaha loo siibo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM