Libya oo Golaha Ammaanka ka codsatey in laga qaado cuna-qabateynta

Image

February 19, 2015 (GO)- Dowladda Libya ayaaa ka codsatey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey in laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay awood ugu yeelato la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee xiriirka laleh ururka IS.

Wasiirka Arrimahada Dibadda Libya oo ka qayb galay shir Golaha Ammaanku shalay oo Arbaco ahayd yeeshay loogana hadlayey xaaladaha kasoo cusboonaaday Libya, wuxuu xubnaha golaha ammaanka ka codsaday in Libya ogolaansho loo siiyo inay hub kasoo iibsan karto dibadda.

Mohammed al-Dairi ayaa xusay in tallaabadani lagama maarmaan tahay si loo helo ciidamo xooggan oo dalkaasi yeesho awoodna u leh sugidda ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada.

"Libya waxay aad ugu baahan tahay taageerada beesha caalamka si ay dib ugu dhisato ciidankeeda taasina waxay imaan kartaa marka la qaado cuna-qabateynta hubka" ayuu yiri.

Todobaadkan horraantiisii ayey ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee Masar duqeyn ka geystaan waqooyi bari Libya, kadib markii koox xagjir ah oo dalkaas ka dagaalanka xiriirna laleh ururka IS ay dishey kow iyo labaatan qof oo dhammaantood ahaa Masaari Kiristan ah.

GARWEO ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM