Ma dhabaa in boqoradda Ingiriiska laga helay Coronavirus?

Image

LONDON, UK – Iyaddoo warbaahinta maxaliga ah ee UK ay ka gaabsaneyso in ay soo hadal-qaado, walwalka laga qabo caafimaadka boqoradda Ingiriiska ee Queen Elizabeth ayaa la sheegay in ay sii kordheyso.

Walaaca oo daaran suurtagalnimada in ay qaadey Coronavirus ayaa korortay kadib markii ra'iisul wasaare Boris Johnson oo kamid ah dadkii u dambeeyay oo ay la kulantay laga helay xanuunkaas.

Sidda ay wararku qeexayaan, bishaan Maaj 11-keeda ee sanadka 2020 ayay ahayd markii u dambeysay oo ay is-arkeen Boris Johnson iyo boqorada.

Afhayeen u hadlay xafiiska Queen Elizabeth oo ka jawaabay baqdinta iyo hadalheynta taagan ayaa meesha ka saarey tuhunka taagan.

War-saxaafadeed deg-deg ah uu soo saarey ayuu wuxuu hoosta kaga xariiqay in caafimaadka boqoradda uu aad u wanaagsan yahay.

Inkastoo afhayeenka uu sidaas ku adkeystay, warbaahinada qaarkood ayaa ku waramaya in boqoradda uu "soo ritay" cudurkaas.

Boqoradda, oo 93-jir ah, ayaa haatan waxay ku sugan tahay hoygeeda Windsor Castle kuna yaala galbeedka London, halkaas oo ay ku wehliyaan seygeeda 98-jirka ah ee Prince Philip iyo ilaalo kooban.

Fayruska oo si rasmi ah gudaha ugu galay boqortooyadda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay laga helay Amiir Charles, kaas oo ay dhashay Queen Elizabeth isla markaana ah dhaxal-sugaha boqortooyada.

Charles ayaa markii u dambeysay waxay hooyadii kulmeen 12-kii Maaj, sidda uu shaaca ka qaadey xafiiskiisa. Tani waxay sidoo kale qeyb ka tahay sababta keentay walwalka laga muujinayo caafimaadka boqoradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM