Macalimiin mushahar soo qaadasho u socotay oo ku le'day doon degtay

Image

INANGO, Congo – Mas'uuliyiinta galbeedka Congo ayaa sheegaya in 30 ruux ay ku dhimatay in ka badan 200 kale la'yahay ka gedaal markii ay dooni kula rogmatay haro.

Simon Mboo Wemba, duqa Inongo, ayaa u xaqiijiyey AP in dadka ugu badan ee la socday doonta ku degtay harada Lake Mai-Ndombe ay macalimiin ahaayeen.

Duqa magaaladaasi ayaa tibaaxay in barreyaasha ay u socdaan in ay soo qaataan mushaharkooda maadaama wadooyinka gobolka ay burbursan yihiin.

Illaa iyo haatan lama xaqiijin tirada dhabta ah ee la socotay doontaasi, taasi oo safartay iyada oo cimilada ay xun-tahay, sidda laga soo xigtay madaxda gobolka.

Balse saraakiisha ayaa waxay qiyaasayaan in boqolaal ay saarneyd doonta isla markaana ay kaliya badbaadeen in ka badan 80 oo ku socdaaleysay doontaasi.

Doomaha laga adeegsado wadanka Congo ayaa caadiyan rakaabka waxay yihiin kuwa aad loogu badiyo, taasi oo laamaha dowladda ay sheegeen in ay wax ka qaban doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM