Macron oo tegay Jabuuti xili uu loolan ka jiro gobolka

Image

DJIBOUTI/ADDIS ABABA — Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka degay Jabuuti, talaabo uu muujinayo muhiimada ay Paris u leedahay dalka dhaca Geeska Afrika iyo xoojinta saameynta dhaqaale iyo tan ciidan ee xukuumadiisa.

Jabuuti, oo ku taalla marin muhiim ah, ayaa martigelisay saldhiga ciidamada cirka France ee ugu balaaran Afrika, halkaasoo ay ku sugan yihiin 1,400 askar oo tababara ciidamada Afrikaanta ee u ilaaliya danaha Faransiiska ee Yemen iyo geeska Afrika.

Iyadoo sanadihii u dambeeyay ay umuuqata France mid gobolka uu kusii yaraanayo saameynteeda, ayaa Macron wuxuu noqonayaa hogaamiyihii labaad ee France oo booqda Geeska Afrika 20-sano kadib.

"France waxay u aragtaa Jabuuti dhul ay mar horey ku guuleystay," ayuu yiri diblumaasi sare oo reer France ah, kaasoo gobolka ku sugan. "Balse hadda baratanka ka imaanaya China waa mid culus."

Hadaladaasi ayuu Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ku muteystay dhaleecayn dadwayne 2015, iyada France oo laga qaadatay xorriyada 1977-dii lagu eedeeyay in Jabuuti ka hor-istaageyso maalingelinta xili waxyar bixineyso.

Jabuuti ayaa sidoo kale martigelisay saldhig milatari oo uu Mareykanku ka qaado howlgalada Yemen iyo Soomaaliya, balse 2013-kii, China oo ka daah furtay saldhiga ugu wayn ka baxsan dalkeeda waxay culeyska ku kordhisay Paris iyo Washington.

Sanadihii u dambeeyay, Beijing ayaa mashriicyo uu kamid yahay jidkii uu Faransiisku dhisay ee isku xira Jabuuti iyo caasimada Itoobiya ka fulisa dalka yaalla bariga qaarada Afrika.

Jabuuti oo uu dadkeedu ka yar-yahay hal milyan ayaa 95% ayaa waxaa wax soosaarkeeda dhoofsada Itoobiya, dalka aan badda lahayn ee dadkiisu gaarayaan 100 milyan, isla markaana deris ay yihiin.

"Si deg deg ah waa in aan u xoojinaa joogitaankeena dhaqaale, dhaqan iyo milatari ee gobolka," ayuu yiri Marielle de Sarnez, gudoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Faransiiska.

Heshiiska nabadeed ee aan la filaynin oo ay gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale ku wajiyadda u bedashay Jabuuti.

Waji gabaxa Jabuuti ayaa sii kordhay markii Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay uu xayiraadii ka qaaday Eritrea oo ay Jabuuti ku eedaysay in ay haysato qeyb kamid ah dhulkeeda iyo 12 askari oo Jabuutiyaan ah.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa sheegaya in tani ay iyaga qayb ka lahaayeen, isla markaan ay ka dhex arkeen masaaliixdooda ay ku xoojin karaan joogitaankooda diblumaasiyadeed ee gobolka.

"Waxa ay naga filan karaa madaxda Jabuutiyaanka ayaa ah in aan wali heegan ugu jirno in Jabuuti ay noqoto meesha hogaanka u haysa dib u dhiska gobolka," ayaa laga soo xigtay illo wareedyo madaxtooyada Farankiisa ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM