Madaxweynah Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Image

HARGEYSA Dec 23, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa habeenkii xalay xukuumaddiisa ku sameeyey iskubeddel magacaabis iyo xilka-qaadis, isagoo mas'uuliyiin cusub soo kordhiyey kuwa kalena eryey.

Wareegto xalay Dec 22, 2015  kasoo baxday aqalka madaxtooyada oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3730/122015, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynhu isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyey Guddoomiyeyaasha gobollada, agaasimayaasha guud iyo waliba la-taliyayaasha madaxweynaha oo tiradoodu sii badanayso.

Wareegtada ayaa waxa ay u dhignayd sidatan:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                   Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tix-geliyey:             Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu leeyihiin                                  

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Guddoomiyeyaasha  Gobolka Dalka;

Markuu La Tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Arkay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkaas;

Wuxuu Go’aansaday

1.  In Mudane, Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore La-taliye Madaxweyne)

2.  In Mudane, Jaamac Yuusuf Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sellel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Jaamac Ciise X. Shaacuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. In Mudane, Naaleeye Axmed Sheekh Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

7. In Mudane, Jaamac Dheeg Cartan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA AGAASIMEYAASHA GUUD

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta  ee JSL;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyahay jagooyinkaas;

Wuxuu go’aansaday

8. In Mudane, Saleebaan Siciid Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

9. In Mudane, Xasan Cumar Hoori, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL.

10.  In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

11.  In Mudane, Cabdi-naasir X. Daa'uud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.

12.  In Mudane, Cabdi-rashiid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL.

13. In Mudane, Shariif Ibraahim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL

 MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaa;

Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:  In ay hanan karaan xilalkaa;

Wuxuu go’aansaday

 14. In Mudane, Cawil Cali Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

15. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

16. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay'addaha Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxaliga Ah.(Bedel Gudoomiyihii hore ee Saaxil)

MAGACAABIDA XUBNAHA GUDDIDA KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagga;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

17. In Mudane, Mukhtaar Cismaan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

18. In Mudane, Mukhtaar Yaasiin Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

19. In Mudane, Axmed Jaamac Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

20. In Mudane, Carab Nuur Xandulle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 MAGACAABIDA MAAREEYE KU-XIGEENKA TELEFISHANKA QARANKA

21. In Mudane, Mustafe Maxamuud Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MASUULIYIINTA XILKA LAGA QAADAY.

1.Mudane, Cali Cawil Cabdi  Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daadmadheedh

2. Mudane,Cabdirisaaq Waaberi Rooble    Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sellel

3. Mudane, Ismaaciil Cabdi Xassan  Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sanaag.

4.Mudane, Maxamed Jibriil Yoonis  Agaasimihii Guud (Hore) ee Wasaaradda Dib-u-derjinta

5.Mudane, Xuseen Cabdillaahi Jaamac    Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore Komishanka Maamul Wanaagga

6. Mudane, Qaasim Xasan Mataan    Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee TV-ga Qaranka

 Dhammaan waxaan idinka Mahad celinayaa Mudadii aad Xilalka Qaranka soo hayseen. xilalka qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilkii aad qaranka u hayseen Masuuliyiinta Cusub een u soo igmaday Xilkaasi isaga ah.

 Masuuliyiinta ay khusayso arrintanina waxaan farayaa inay sida ugu haboon ugu kala wareejiyaan masuuliyiintaasi Xilalka.

 ALLAA MAHAD LEH

 Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM