Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image

HARARE, Zimbabwe - Emmerson Mnangagwa ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha dalka Zimbabwe, kadib markii uu Iscasilay Robert Mugabe.

Mnangagwa ayaa lagu dhaariyay Munaasabada ka dhacday Garoon Kubbada cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Harare, ee Caasimadda dalkaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiin kala duwan iyo marti-sharaf caalamka ka timid.

Xisbiga ZANU-PF ee talada haya ayaa u magacaabay Emmerson Mnangagwa, oo 75 sano jir ah inuu noqdo Madaxweynaha Zimbabwe.

Madaxweyniyaasha gobolka Koonfurta Qaaradda Africa, oo uu kamid yahay Madaxweynaha South Africa Jacob Juma ayaa ugu hambalyeeyay Mnangagwa xilka cusub ee loo dhaariyay.

Mnangagwa [Bidix] oo salaamaya Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma [Midig]

Mnangagwa waxa uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi, kahor inta uusan xilka ka qaadin Robert Mugabe 6-dii bishan, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Robert Mugabe ayaa dalkaasi soo xukumayay tan iyo 1980, mudo 37 laga joogo, waxaana uu jagada la doonayay Xaaskiisa Garace Mugabe, oo awood badana ku lahayd dowladiisa.

Militariga ayaa farageliyay xaaladda, la wareegay todobaad kahor taladii dalkaasi, waxaana ay kuu qasbeen Mugabe inuu is-casilo, si dalka Isbedel uga dhaco, islamarkaana looga saaro dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM