Madaxweynaha Eritrea oo Abu Dhabi kulamo kula leh madaxda UAE

Image

ABU DHABI - Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa shalay booqasho saddex maalmood ah uga billaabatay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay kawada hadleen arrimaha isbedelka gobolka Geeska Africa.

Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan ayaa wafdiga Madaxweyne Afwerki ku qaabilay Aqalka Madaxtooyadda magaaladaasi, isagoo u sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.

Al Nahyan oo sidoo kale ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka iyo Afwerki ayaa kulankooda ku gorfeeyay xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, Ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha gobolka.

Dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Eritrea iyo Ethiopia kusoo afjareen colaadooda, kaasoo dhex-dhexaadisay Sacuudiga, laguna saxiixay Todobaadkan Jeddah.

Al Nahyan ayaa boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdul Aziz ku amaanay doorkiisa dhex-dhexaadinta Eritrea iyo Ethiopia, taasi amni, nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalay gobolka Geeska Africa.

Wuxuu Al Nahyan hoos ka xariiqay in Imaaraadka uu taageerayo heshiiska nabadda Eritrea iyo Ethiopia, islamarkaana dalalka ku caawin doono inay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed gaaraan.

Dhankiisa Madaxweyne Afwerki ayaa amaaney dedaallada Imaaraadka ee horumarinta nabada iyo xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Booqashada Afwerki oo saddex maalmood qaadan doonto, laga sooo billaabo shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxay timid kadib markii uu kasoo laabtey Sacuudiga, halkaasoo isaga iyo Abiy Axmed Heshiis ku saxiixeen.

Afwerki ayaa intii uu ku sugnaa Jeddah la kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka qeybgalay xafladda saxiixa heshiiska nabada, xilli boqor Salman labada hogaamiye dhex-dhexaadinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM