Madaxweynaha Jabuti oo ka hadlay eedaynta mucaaradka

Image

17 December, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay eedaymo uga yimi mucaaradka waddankaasi oo ku sifeeyay kaligii talis aan dimuqraadiyad u ogolayn shacabka iyo waddankaba.

Ismacil Cumar oo la hadlay BBC, ayaa sheegay mucaaradku inay dhaliin uun soo jeediyaan balse indhaha ka qarsanayaan hormarka dalkaasi gaaray.

‘’Haddii meesha ka kakac annaaa ku farsiinaya ujeedku tahay anigu ma yeelayo,waxaan doonaynaa innaan wadanka ka badbaadino qas”, Ayuu yiri Geelle.

Hogaamiyaha shaaciyay inuu xilka markii afraad u tartamayo, ayaa wax laga weydiiyay ajaanibta dalkaasi joogta iyo xeryaha millatari ee ku yaal, waxuuna sheegay inaysan dakhli badan ka helin balse danta laga leeyahay tahay qaabkii loo aqoonsanlahaa Jabuuti hormarkeeda iyo amniga.

Geelle ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo hormarka waddanka in la ballaariyo isla markaana si siman ugu ganacsadaan muwaadiniinta Jabuuti iyo ajaanibta dalkaasi tagaya.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku soo beegmay maalmo uun kadib markii mucaaradka waddankaasi dhaliilo usoo jeediyeen Ismaciil Cumar Geelle oo sheegay inuu xilka u tartamayo markii 4-aad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM