​Madaxweynaha Uganda oo la caleema saaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KAMPALA- Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni, ayaa maanta lagu caleema saaray magaalada caasimadda ah ee Kampala, kadib markii  uu ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi bishii April ee sannadkan.

Caleema saarka Museveni, ayaa lagu casuumay madax kasocota dalalka Afrika, waxaana kamid ah hogaamiyaashii tagay munaasabaddaasi; Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.

Boqolaal katirsan dadka reer Uganda ayaa isugu yimi garoonka kubadda cagta Kampala, waxaan goob fagaare ah lagu dhaariyay hogaamiyaha dalkaasi mudada dheer xukumayay ee Museveni.

Khudbad dheer uu jeediyay ayuu ku sheegay inuu muhiimadda siinayo amniga iyo hormarinta waddanka, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM