Madaxweynaha wadanka Eritrea oo la kulmay boqorka dalka Sucuudiga

Image

JEDDAH - Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta qasriga boqortooyada dalka Sucuudiga ee magaalada Jeddah kula kulmey boqor Salman Bin Cabdulcasiis Al Sucuud kadib markii caasumaad rasmiya loo fidiyey, sidaas waxaa bartiisa Twitter soo dhigey Wasiirka Warfaafinta Yamane G. Meskel. 

Booqashada Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa la sheegey in lagaga hadlayo xiriirka labada dal iyo midka gobolka guud ahaan.

Wafdiga Madaxweyne Afwerki waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibada Osman Saleh iyo la taliye-yaal ka socda xafiiskiisa.

Boqor Salman ayaa inta uu socdey kulanka uu la lahaa Afwerki sheegey in dalka Sucuudiga ka go’an tahay inuu hormariyo xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, amni,  ganacsiga iyo maalgalineed uu dalkaas la leeyahay. Salman ayaa soo dhoweeyey hehsiiskii dalka Ethiopia iyo Eritrea ku soo afjareen colaadii u dhexeysay muddo ku dhow labaatan sano. 

Maaxweyne Afwerki ayaa dhankiisa soo dhoweeyey isbadalada dalka Sucuudiga ku talaabsadey gaar ahaan kaalinta hogaamineed ee cusub uu wadankaas ka qaadanayo arimaha geeska Afrika.

Booqashada Afwerki ayaa timid maalmo kadib markii uu booqasho uu ku tagey dalka Ethiopia lagu soo dhameystirey talaabooyin labadaan wadan ku soo afjarayeen colaad u dhexeysay muddo 20 sano ah.

Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa is-waydaarsey safaarado laga kala furey labada magaalo  madax, halka duulimaadyadii labada wadan isaga gooshi jirey dib loo bilaabey.

Isbadalada siyaasadeed ee ka socda gobolka gaar ahaan dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxa qayb ka ah dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka kuwasoo dhowaan xiriirka u jarey dalka Qadar.

Dardar-galinta caadiyeyta xiriirka labadaan dal “Ethiopia & Eritrea) ayaa muuqada kuwo dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka ku badasheen danihii Istaraajiyada ay ka lahaayeen dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dalka Soomaaliya ayaa dowladiisa uu Madaxweynaha ka yahay Farmajo waxay ka qaadatey mowqif dhexdhexadnimo ah Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka balse wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka waxay aamineen in Villa Somalia taageertey Qadar.

Wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa waxay dagaal kula jiraan kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yamen kuwasoo tageero ka hela wadanka Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM