Madaxweyne isku casilay jahwareer ka dhashay doorasho baarlamaan

Image

BISHKEK, Kyrgyzstan – Madaxweynaha Kyrgyzstan ayaa is-casilay kadib markii doorashooyin baarlamaan oo lagu murmay ay ka dhasheen mudaaharaadyo, sidda lagu soo bandhigay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

"Aniga awooda ma maroor-sanayo," ayuu Sooronbay Jeenbekov yiri, isagoo intaas ku daray "ma rabo in aan noqdo madaxweyne lagu xasuusto in uu rasaas ooga uga qaadey muwaadiniinta waddankeyga aan jeclahay".

Xasilooni darada oo bilaabatay horaantii October ayaa timid markii doorashooyinka baarlamaanka ay kusoo baxeen murashaxiin taageersanaa Jeenbekov taasoo mucaaradka ka gadoodey.

Kyrgyzstan, dal xuduud la leh China kuna nool yihiin 6.5 milyan oo ruux, ayaa qalalaasaha uu galay waxaa horkacayey mucaaradka oo ku doodey in coddeyntu hareeyeen cod-iibsasho iyo sinaan la'aan kale.

Kormeereyaasha ayaa doorashada ku sheegay "mid cadaalo darro ah," waxaana dhawaqaas kadib banaanbaxayaasha ay awood ku galeen dhismeyaal dowladeed iyagoo Jeenbekov ku booriyey in uu is-casilo.

Jeenbekov ayaa caasimada Bishkek wuxuu kusoo rogay xaalad deg-deg ah iyo bandow markii dibad-baxyaddu sii xoogeysteen. Ciidamada milatariga waxaa lagu soo daabulay guud ahaan magaala madaxda.

Talaabooyinkaas ayaa qaboojiyey xiisadda, waxaana ay meesha ka saareen cabsi laga qabay in ay dhacdo bilaliqo. Bakhaarada iyo Bangiyada oo todobaadkii hore la xiray waxay haatan yihiin kuwa dib loo furay.

Jahwareerkan ayaa ahaa midkii saddexaad oo muddo 15 sano gudaheeda ah ay dowlad isku casisho gudaha dalka Kyrgyzstan, mid kamida wadamada ugu saboolsan ee ka tirsanaa Midowgii Suufiyiinta.

Madaxweyneyaashii talinayey 2005 illaa 2010 ayaa ku baxay kacdoon shacab, iyaddoo mudaaharaadyada haatan lasoo wariyey ay riixayaan qabiilo iska soo horjeedda kuwaasoo jaan-googaya siyaasadda Qarankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM

Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 05:25AM