Madaxweyne Uhuru Kenyata oo magacaabey madaxa sirdoonka

Image

NAIROBI [ Garowe Online + Wakalaadaha]- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyaata ayaa u magacaabey madaxa sirdoonka dalkaas  sarkaal aqoon dheraad ah u leh la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo sheegta iney xiriirka dhow la leeyihiin Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa sheegey inuu doortey Major General Philip Kameru oo ku guuleystey sir ururinta kooxahaan saldhigayada ku leh wadanka Somalia, halkaasoo ciidamada wadanka Kenya kula dagaalmayaan kooxda Al-Shabaab iyagoo qayb ka ah AMISOM.

Warbixin kooban oo Madaxweyne Kenyatta soo saarey ayuu ku sheegey Kameru " Waxaa uu aqoon dheraad ah u leeyahay sida loola dagaalamo argagixisada isaga oo wax ku bartey wadanka Kenya iyo dibadiisa".

Sharciga Kenya uu yaal ayaa sheegaya in Gen. Kameru qaban doona xilkaan markii Barlamanka wadankaas ogolaado.

Kameru ayaa xilkaan ka badli doona Major- General Michael Gichangi oo eedeyn xoogan kaga timid weeraradii kooxaha Al-Shabaab ka gaysteen wadanka Kenya gaar ahaan suuqa Westegate Mall.

Sarakiisha sare ee amniga Kenya ayaa eedeymo farabadan kala kulmey weeraradii lagu hoobtey ee ka dhacey suuqa Westgate Mall iyo magaalada xeebta ku taal ee Mpeketoni halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegey in dhamaan xoggaha sirta ah ee laga hayey weeraradaas aysan noqon kuwa ciidamada amniga u  isticmalaan sidii la rabey. 

Wadanka Kenya ayaa weeraradaan kala kulmey dhaqaale xumo baahsan madaama wadamada reer Galbeedka ay dadkooda kula taliyaan ineysan booqasho ku tagin wadankaas.  

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM