Mahathir Mohamad oo markale loo doortay Ra'iisul Wasaaraha Malaysia

Image

Kuala Lumpur - Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad ayaa guul taariikhi ah ka gaaray doorashooyinka guud ee dalkaas. Sida ay muujinayaan natiijaooyinka rasmiga ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in isbahaysiga mucaaradka ah ee Mr Mahathir ay ku guulaysteen kuraas gaaraysa 115 kursi, taas kor u dhaafaysa kuraastii loo baahnaa in dawlad lagu soo dhiso.

Mr Mahathir, oo 92 jir ah, waxa uu ka adkaaday isbahaysa talada dalkaas haya ee lagu magacaabo Barisan Nasional coalition, kaas oo xukunka hayey in kabadan 60 sano.

Hawlgabnimadiisii ayuu kasoo laabtay si uu ula tartamo, ardaygiisii dhanka siyaasadda, ee Najib Razak. Mahathir Mohamad ayaa soo qabtey xilkan intii u dhaxaysay 1981 illaa 2003, isagoo noqday Ra'iisul Wasaarihii mudada ugu dheer soo mara dalkaasi.

"Ma doonayno aargudasho, waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino sharciga iyo kala dambaynta" Mr Mahathir ayaa sidaas war fidiyeenada u sheegay.

Wuxuu carabaabay rajada uu ka qabo in xafiiska loo dhaariyo maalinta khamiista ah ee foodda inakusoo haysa. Dadka dhaliila doorashada ayaa walaac ka muujiyey in doorashadu ay ahayd mid xor ah oo caddaalad ah.

Asagoo goor sii horraysay warfidiyeenada kula hadlayey magaalada Kuala Lumpur, Mr Mahathir ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in isbahaysiga mucaaradka oo lagu magacaabo Pakatan Harapan ay gaaraan guul la taaban karo, asagoo intaas kudaray in sinnaba aysan usoo gaari Karin isbahaysiga talada haya ee lagu magacaabo BN.

Xisbiga BN ayaa hoggaanka u hayey siyaasadda dalka Malaysia tan iyo markii dalkaasi uu madaxbaanida ka qaatay Britain sanadkii 1957, balse isbahaysigaan oo bari xoog badnaan jiray ayaa sumcadiisu hoos u dhacday sanadihii u dambeeyey.

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM