Maku daawan lahayd Aroos Boqoreed 10-kun oo dollar?

Image

NAIROBI - Iyadoo maalinta Sabtida, 19-ka May lagu wadi inuu dhaco arooska Prince Harry iyo Meghan Markle ayaa waxaa Hotel ku yaalla dalka Kenya wuxuu ku amray lamaanayaasha bixinta lacag dhan $10,000 oo Dollar si ay u daawadaan Aqal-galkan.

Sida laga soo xigtay fariin xayeysiin ah oo lasoo dhigay baraha bushada, laamane walba waa inay soo xirtaan dharka ugu wanaagsan ee martida ah, marka ay imaanayaa Hotel-ka oo lagu magacaabo Windsor Golf Hotel oo ku yaalla Nairobi.

Qaban-qaabiyaasha ayaa sheegay in lacagtan ay ku helayaan macaamiisha Labo habeen oo ay hotel-ka joogayaan iyo raacida Helicopter oo Dalxiis loogu geyn doono Buurta "Mount Kenya", waxaana arrintan baraha bulshada uga falceliyay shacabka.

Dadku waxay ku doodayeen in lacagta Tikidka lagu galayo xafladda ay ka badan tahay midda Arooska meesha uu ka dhacayo oo ah dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London.

Mid kamid ah dadka qaban-qaabinaya arrinkan oo la hadlay CNN wuxuu ku dooday inay doonayaan in macaamiishooda ay Khibrad ka qaataan Aroos Boqoreedka, oo kamid ah kuwa ugu qaalisan ee dunida soo maray casrigan.

“Kaliya waxaan dooneynaa in dadku ay si wada jir ah u arkaan aroos reer boqor dhiganayaan, sidoo kalena ay ka qaataan Khibrad wanaagsan,”ayuu  yiri Wanjiku Kamau, oo kamid ah Qaban-qaabiyaasha.

Laakiin qaar kale ayaa sheegay in xafladda ay muujisay sinnaan la'aanta ka jirta dalka, oo celcelis ahaan isticmaalka qoysaska ku nool Nairobi ay ka yar tahay $3,000 sanadkiiba.

"Lammaanayaasha Kenya ee mudnaanta leh ayaa bixin doona $10,000 oo doolar si ay u helaan fursadda ay ku daawanayaan arooska," Adrian Blomfield ayaa sidaa ku tiri qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay

Dadka ku nool caalamka oo dhan, ayaa waxay ka daawan doonaan maalinta Sabtida ah Muuq-baahiyaashooda Arooska Prince Harry iyo Meghan Markle, kuwaasoo Nikaaxooda iyo Faraanti Geliskooda qeyb ka tahay Xafladda.

Xafladda Arooska ayaa sidoo kale, waxaa si toos ah loogu casuumay inay goobjoog ahaadaan in 2,600 qof, oo dad caan ah ay kamid yihiin, waxaana xafladda arooska ka dhici doontaa Windsor Castle oo ah meesha Arooska ka dhacayo oo Ingiriiska ka tirsan, maalinta Arooska xaadir ku noqon doona.

Kasoo qeybgalayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay daawadaan soo gelitaanka aroosadda iyo arooska, iyo martidooda, waxay sidoo kale aragti cusub ay ka qaadan doonaa marka ay kasoo baxayaan Gawaarida kadib Xafladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM