​Maraykanka: Ted Cruz iyo Donald Trump oo guulo gaaray

Image

Waxaa xalay dalka Maraykanka gaar ahaan shan gobolka ka dhacday doorasho kamid ah kuwa loogu soo baxayo madaxtinimada waddankaasi, waxaana loollamay murashixiin katirsan xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga waddankaas.

Murashaxiinta Donald Trump iyo Ted Cruz, ayaa guulo waaweyn gaaray iyagoo helay codad badan, halka Murashaxa Hilary Clinton ku guulaysatay hal gobol codadkii la dhiibtay.

Loollankan, ayaa ku eg bisha Maarso 15-keeda, waxaana la doonayaa labada Xisbi ee Dimiqraadiga iyo Jamhuurigu inay kasoo baxaan labo murashax oo qura.

Tartankan oo si weyn uga duwan kuwihii hore ayaa loogu gudbayaa loollanka madaxtinimada waddankaasi gaar ahaan doorashada dhaci doonta November, 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM