​Maraykanka: Trump iyo Clinton oo guulaystay

Image

Murashaxiinta xisbiyadda Jamchuuriga iyo Dimuqraadiga ee kala ah; Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku guulaystay codadka gobollada ugu badan ee laga dhiibtay codadynta doorashada madaxtinimada waddankaasi.

Clinton, oo tartanka ku garaacday ninka isku xisbiga yihiin ee Bernie Sanders, waxayna codadkii laga dhiibtay gobollada; Tennessee, Alabama, Georgia, Arkansas, Virginia, Texas iyo Massachusetts.

Sanders ayaa isna helay gobollada Vermont, Oklahoma, Minnesota, iyo Colorado.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa guulo kala hoyday gobollada Arkansas, Georgia, Alabama, Tennessee, Virginia, Vermont iyo Massachusetts, halka ninka la tartamayay ee Senator Ted Cruz ayaa helay codadka gobolka laga soo doorto ee Texas, Oklahoma iyo Alaska.

Isagoo ka hadlaya gurigiisa oo ku yaala Texas, Mr Cruz waxa uu sheegay inay tartanka ka baxaan musharaxyada kale ee Republiga, oo ay ku soo biiraan isaga si loola tartamo Donald Trump.

Senator-ka laga soo doorto gobolka Florida, Marco Rubio, oo galay kaalinta saddexaad ayaa ku guulaystay hal gobol (Minnesota).

Doorashadan “Super Tuesday” oo dhacday shalay ayaa loogu soo baxayaa madaxtinada waddankaasi, waxaana ku loollamay murashaxiin kasocda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM