Mareykanka iyo Imaaraadka oo yeelanaya iskaashi dhanka difaaca ah

Image

WASHINGTONG, US – Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay dhaqan-gelinta heshisi cusub oo dhanka gaashaandhiga ah.

Fahfaahinta waxay ku heshiiyeen wali saxaafada looma soo bandhigin, balse waxaa wadashaqeyn dhanka milatariga ah.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili John Bolton, lataliyaha dhanka amaanka ee Donald Trump, uu waddankaasi ku sugan yahay.

Bolton ayaa isaga oo ku sugan Abu Dubai waxa uu Iiraan ku eedeeyay weerarkii Maraakiibta ee ka dhacay xeebaha Imaaraadka.

Masuulkaan ayaa madaxda dalkaasi Carbeed sidoo kale kala hadlay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada ah.

Axadiga cusub ayaa imaanaya iyadda oo gobolka ay ka jirto xifaaltan siyaasadeed iyo mid milatari oo u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka.

Shir looga arrinsanayo xaaladaha kasoo kordhay gobolka uuna ka qaybgalayo madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo ayaana Sacuudiga ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM