Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo u abaabulaya shir saddexaad

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi "daaha gedaashiisa" ayay uga kawada hadlayaan suurtogalnimada shir saddexaad, sida laga soo xigtay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae.

Warkaasi waxaa Arbacadii baahisay warbaahinta dibada la hadasha ee waddankaasi oo soo xiganaya wakaalada wararka u faafisa dalka dhaca Koonfurta Aasiya ee Yonhap.

Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiye Kim Jong Un ayaa bishii June ku kulmay Singapore kahor inta aysan bishii Febraayo isku arag mar kale caasimada wadanka Vietnam ee Hanoi.

Balse waxay ku fashilmeen ay heshiis ka gaaraan Nuk-liyeer ka dhigista Kuuriyadda Waqooyi iyo yareenta cunaqabeynta.

Moon ayaa tilmaamay in wada xaajoodka ay ku dhacayaan iyadda oo loo marinayo "kanaalo ku haboon" labada Kuuriya.

"Aniga waxaan aaminsanahay in gudoomiye Kim ay ka go’an tahay Nuk-liyeer ka dhigista," ayuu Moon daba dhigay hadalkiisa.

Sikastaba, hadaladan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Trump uu qorsheynayo in uu Moon la kulmo Axada soo aadan si uu kala arrin-sado qadiyada ku saabsan muranka Nuk-liyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM