Mareykanka oo cunaqabateyn saarey xigtada hogaamiyaha sare ee Iran

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa xayiraad cusub kusoo rogay xigtada iyo shaqsiyaad aad ugu dhow Hogaamiyaha Sarre Kacaanka waddanka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei, waxaana ku jira mid kamid wiilashiisa.

Wasaaradda Lacagta Mareykanka oo go'aankan ku dhawaaqday Isniintii ayaa shaacisay in uu la xiriiro damaashaadkii 40aad ee qabsashadii safaaradda Washington ee Tehran.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya xili Tehran ay xaqiijisay in ay sii waddeyso bacraminta Nukliyeer. Tani waxay barbar socotaa talaabada uu Mareykanka uga baxay heshiiskii Nukliyeera.

Dadka sidoo kale cunaqabateyn la saarey waxaa kamid ah; taliyaha ilaaladda Khamenei, madaxa garsoorka iyo xubno sarre. Si lamid ah waxaa liiska madow lagu daray Taliyaha guud ee Ciidamadda.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Iran, Abbas Mousavi, ayaa xayiraadda ku tilmaamay mid muujineysa "tabar darro".

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa kasoo xigatay in qaab diblumaasiyadeed loo wadda xaliyo arriimo masiiriga ah ee caalamka.

Xifaaltanka Mareykanka iyo Iiraan ayaa soo jiitamayey sanadihii u dambeeyay, waxaana uu xoogeystay markii uu xafiiska yimid Donald Trump oo ka baxay heshiiskii dunida la gashay Iran ee looga joojiyey Nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM