Mareykanka oo digniin kama dambeys ah siiyey Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Turkiga ayaa waxaa la siiyey illaa iyo dhamaadka bisha Julaayo si uu u kala doorto soo iibashada diyaaradaha dagaalka ee ay far-sameeyaan dowladaha Mareykanka iyo Ruushka.

Sii haayaha wasiirka gaashaandhiga Mareykanka, Patrick Shanahan, ayaa warqad kama dambeys ah waxa uu u diray dhigiisa Turkida Hulusi Akar, sidda ay Arbacada maanta ku warameyso saxaafadda.

Shanahan ayaa waxa uu qoraalkiisa shaaca uga qaadey in xukuumada Ankara aysan wada iibsan karin diyaaradaha dagaalka ee ay soo saaran dowladaha xifaaltanka culus uu ka dhaxeeyo.

Xulufada kawada tirsan gaashaan-buurto NATO ayaa xiisada ka dhalatay diyaaradda S-400 waxay ka dhex-aloolsan tahay muddo bilooyin ah iyadda oo ay fashilmeen isku dayo lagu qaboojinayo.

Washington ayaa ku doodeysa in hanaanka difaacyada Ruushka ay yihiin kuwa aanan lala barbardhigi karin kuwa NATO ayna soo keeni karo khatar amni,Turkiga-na ay ka dooneyso in ay iibsato midkeeda Patriot-ka.

Turkiga oo doonaya in uu yeesho siyaasad gaashaandhig oo madax banaan ayaa soo iibsaday diyaaradaha nooca 100 F-35s, waxa uuna maalgeliyey shirkada Turkida oo soo saara noocyo kamida diyaaradaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM