Mareykanka oo Saldhig muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab ka dhisaya Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa waxay heshiis ku kacaya 12 milyan oo Yuuroo ay la gashay shirkadda hoos imaaneysa midda gacnata ku haysa Saldhiga Biladoogle ee loo yaqaano Bancroft Global Development.

Heshiiskani oo la saxiixay bishii hore ee September ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay in dib-udayactir deg deg ah lagu sameeyo halka ay diyuurahada kusoo dagaan ee ku yaala gudaha xeradaan ciidan.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo xaqiijiyey mashruucani wuxuu sheegay inay doonayaan balaarin ay ku sameeyaan halka ay diyuuradaha kusoo dagaan, taasi oo uu tibaaxay inay haatan tahay mid "ciriir ah".

Afhayeen lagu magacaabo Karl Weist, kaasi oo u hadlay AFRICOM wuxuu sheegay in talaabadani ay qaadayaan ay kala kaashanayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, inkasta oo uusan soo hadal-qaadin xukuumadda Muqdisho.

"Dayactirku wuxuu yahay balaarin lagu sameeyo qaadka halka ay diyuuradahu kusoo dagaan. AFRICOM waxay kala kaashaneysaa arrinkani dhigeeda Midowga Afrika," ayuu u sheegay majalada Air Force Times.

Saldhiga Biladoogle oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qiyaastii 70 mile dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho xili uu Mareykanka tababar u siiyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Intaas waxaa dheer, inuu ka fuliyo Mareykanka weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo ku beegsado dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa kale ee dalka.

Qorshahaan dib u habeynta loogu sameynayo halka ay diyuuraduhu kusoo dagaan ayaa imaanaya xili Mareykanku sarre u qaadey duqaymaha cirka ee ka dhanka ah Shabaab, taasi oo loo arko uu kusii xoojinayo.

Inta la ogyahay 20 weerar oo dhinaca cirka ah ayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyaan Soomaaliya kaliya bishaan xili duqayntii ugu dambeysay oo laga fuliyey Jubada Hoose lagu khaarijiyey Sagaal kamid ah xoogaga Al-Shabaab.

Heshiiskaan ku kacaya12-ka milyan ee Dollar ayaa waxaa maamuli doonta Shirkadda URS, taasi oo uu fadhigeedu yahay duleedka magaalada Morrisville, ee gobolka North Carolina, ee wadanka Mareykanka.

Mashruucaan oo durba bilowday fulintiisa, kaasi oo mid lamid ah uu ka fulinayo dalka Niger ee Qaarada Afika ayaa sarre u qaadeysa cadadka lacagaha uu Mareykanku qarash-gareeyay Saldhiga Biladoogle xili ay gaarsiineyso 98.5 milyan oo Dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM