Mareykanka oo sameeyay qirasho ku aadan duqeyntii Iran ee saldhigyada

Image

Milatariga Maraykanka ayaa Khamiistii shaaciyey in koobiyo toban askari oo ka tirsan ciidamada laga dawaynayo "shoog" ka dib markii ay Iran sawaariikh ku weerartay saldhig ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Ciraaq.

Af-hayeen u hadlay taliska guud ee Marakanka oo ay wakaaladda wararka ee Rueters soo xigatay ayaa yidhi "in kasta oo aan cidina kaga dhiman dhacdadii 8 Jeeniweri markii Iran duqaysay saldhiga Caynal Assad ee cirka, in ay hadana jiraa askar tiro badan oo laga dawaynayo shoog iyo naxdin ka dhalatay duqayntaas oo ilaa haatan la dawadynayo."

Waxaanu intaa ku daray "maalmihii weerarkaa ka dambeeyey, ayaa si looga hor tago dhib nafsiyadeed oo soo gaadhi karta askarta qaar mid ah loo qaatay isbitaallo ciidanka Maryakanku leeyahay oo ku yaal Jarmalka iyo Kuwait si baadhitaanno loogu sameeyo".

Habeenimadii Arbacada ee 8 bishan Jeeniweri ayaa Telefishenka Iran sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanku uu ahaa mid loogu aargudayay Qaasim Suleimani.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ay ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan.

Warbixin u soo saaray afhayenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in arrintan ay ka war hayaan.

"Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka", ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay.

"Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena", ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Iran ayaa u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho.

Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona.

GO + BBC

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM