Mareykanka oo 'weeraray' Iran iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

WASHINGTON - Militeriga Mareykanka ayaa weerar dhanka Internet-ka ku qaadey hannaanka kombuutarradda laga hago gantaallada iyo Shabakadda Sirdoonka dalka Iran.

Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii Madaxweyne Trump uu sheegay inuu baajiyay weerar dhanka cirka ah oo ciidamada Mareykanka ku qaadi lahaayeen Iran, si ay uga aargoostaan diyaaradii looga soo riday gacanka Hormuuz todobaadkii hore.

Saraakiil katirdan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Trump uu si qarsoodi ah u bixiyay ogolaansho uu siiyay Militeriga dalkiisa, inay weerar dhanka Internet-ka ku qaadaan kombuutarradda Ilaalada kacaanka Iran (Iran's Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).

Weerarkan ayaa lagu curyaamiyay hanaanka kombuutarradda IRGC, oo muhiim u ah maamulka gantaallada dalka Iran, sida ay sheegeen saraakiisha oo ka gaabsaday magacyadooda, maadaama aan loo fasaxin inay xogtaan bixiyaan.

Militeriga Mareykanka ayaa Virus-ka Stuxnet ku furay kombuutarradda Ilaalada kacaanka Iran, taasoo u sahashay inuu gudaha u galo, oo xogta ku jirta kala baxo, kadibna curyaamiyo ama joojiyo shaqooyinkii ay hayeen.

Iran ayaanan ka hadlin wali sheegashada Mareykanka, balse waxay tani kusoo beegmaysaa xilli hogaanka dalkan Shiicada ugu badan caalamka ay ku nool yihiin uu dhawaan sheegay in adeegga Internet-ka ka jareen kombuutarradda Militeriga si ay uga hortagaan in la jabsado.

Weerarka dhanka Internet-ka ayaa ah mid sanadihii dambe ay isku bartilmaameedsanayeen militeriga labada dal, oo hadda ay ka dhaxayso cadwaad xooggan, oo qarka u saaran inay isku bedesho dagaal fool-ka-fool ah.

Iran ayaa dhawaan soo riday diyaarad nooca waxbasaasta oo Mareykanka uu lahaa, kadib markii hawada dalkaasi ay ku xad-gudubtay, waxaana soo ridista diyaaradda ay meeshii ugu sareysay gaarsiiyay xiisadda Washington iyo Tehran ee ka taagan gacanta carabta.

Iran iyo Mareykanka ayaa midba midka kale sheegay inaysan doonaynin dagaal, balse xiisadda u dhaxaysay ayaa halis gelinaysa amniga gobolka bariga dhexe, oo horey dab uga holcayay, iyadoo hadda maraakiibta ganacsiga iyo diyaaradaha rakaabka ay qaarkooda joojiyeen isticmaalka hawada iyo biyaha gacanka Hormuuz.

Maraakiib qaarkood laga leeyahay Sacuudiga ayaa dhawaan lagu weeraray biyaha gacanka, waxaana Iran ay isku fogeysay eedeynta Mareykanka ee ah inay ka dambeyso weerarada.

Iran ayaa saaran cunaqabateyn caalami ah, iyadoo Mareykankana uu ku haya cadiis militeriga oo uu ku doonayo inuu ku qasbo hogaankan dalkan inuu isasoo dhiibo, kana tanaasulo barnaamijka Niyukleerka ay ku haminayaan.

Trump ayaa ku eedeyay Iran inay ku lug leedahay weerar kasta oo ka dhaca gobolka Bariga Dhexe, iyo inay hub iyo dhaqaale siiso kooxaha shiicada ee Yemen iyi Lubnaan.

Khubaradda siyaasadda gobolka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo inuu jilbaha dhulka u dhigo awoodda Iran, maadaama ay khatar ku tahay jiritaanka Israel.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM