Maroodiyaal loo qaley xuska dhalashada 91aad ee R. Mugabe

Image
Image
Image
Image

March 2, 2015 (GO)- Xaflad dhalasho oo dadka dunida ka yaabisey ayaa loo dhigey Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo isagu ah kan ugu da'da weyn madaxweyneyaasha dunida.

In ka badan labaatan kun oo qof ayaa kasoo qayb gashay xafladda lagu maamuusayey sanadguurada 91aad ee kasoo wareegtey markii uu Mugabe dhashay.

Arrinta badi dadka ka yaabisey ayaa ahayd in la qalay labo maroodi oo hilibkooda dadkii xafladda kasoo qayb galey ku qadeeyeen, waxaa sidoo kale goobta la keenay doolsheyaal (toorte) waaweyn oo qaarkood ku dhowaad toban qof isla soo qaadeen.

Labada maroodi ee la qalay, libaax iyo yaxaas ayaa waxaa hadiyad ahaan Robert Mugabe ugu keenay nin beeraley ah.

Madaxweynaha waayeelka ah ayaa goobta ka jeediyey khudbad qaadatay muddo hal saac iyo bar ah, wuxuuna si kulul u weeraray siyaasadda dowladda Maraykanka ee ku wajahan wadamada Africa gaar ahaan dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa labo bilood kahor ku kufey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa xilli uu kusoo wajahnaa dalkiisa kadib markii uu ka qayb galay shirkii madaxweyneyaasha Midowga Africa.

Mucaaradka dalkaas ayaa dhowr mar oo hore cambaareeyey xafladaha kharashka malaayiinka doolar ah lagu bixinayo ee loo dhigo Madaxweynaha, arintaasoo sida mucaaradku tilmaamey ah mid wax u dhimeysa dhaqaalaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM